DHAGEYSO:Wasaarada dhalinyarada Soomaaliya oo afurin u samaysay ciidamka Booliska.

126

Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dowlada Fedraalka Soomaaliya oo kaashanaysa ururada dhalinyarada Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho waxay afur ugu samaysay ciidanka booliska ee u xilsaaran sugida aminiga magaalada Muqdisho.
Dhalinyarada ayaa sheegay inay afurintaan uga gooleeyihiin dhiiragalinta ciidamada sugida ku howlan iyo sidoo kale u dabaal degan todobaadka dhalinyarada Soomaaliyeed oo sanadkasta la xuso 15 bishaan May ee aan had aku guda jirno.
Qaarka mid ah dhalinyaradii ka qayb qaatay howshaan ay ku afurinayeen ciidamada Booliska ayaa shacabka ku booriyay inay si wanaagsan ula shaqeeyaan ciidamada qaranka si amaanka magaalada u sii wanaagsanaado.

Saraakiisha hogaaminaysa ciidanka booliska ee u xilsaaran sudiga amniga magaalada Muqdisho ayaa dhankooda u mahadceliyay dhalinyarada iyo wasaarada waxayna Tilmaameen inay howshaane qayb ka noqonayso isku soo dhawaanshaha booliska iyo Bulshadada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here