DHAGEYSO:Wasaarada Duulista Soomaaliya oo ka Qaybgashay Shirweynaha ICAO

Magaalada Montreal ee dalka Canada ayaa waxaa ka Furmay Shirweynaha dalalka xubnaha ka ah hay’adda QM u qaabilsan duulimaadyada rayidka oo marka Magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano ICAO, iyadoo Soomaaliya ay si madax banaan kaga qayb galeyso shirkaasi.
Kulankaan waxaa Dalka Soomaaliya uga qayb Galay Wafdi uu Hogaaminayo wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/laahi Salaad Oomaar iyo Maareeyaha Hay’ada Duulista Hawada Soomaaliyeed Axmed Macalin.
Tani ayaa noqonaysa Markii ugu horaysay ee dowlada Soomaaliya Si rasmi ah uga qaybgasho shirweynaha hay’ada ICAO ayadoo wixii ka danbeeyay Burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ay Hay’ada Duulimaadyada rayidka ee QM Masuul ka ahayd maamulka iyo Maaraynta Hawada Soomaaliya balse ay Soomaaliya Toos ula soo Gareegtay dhamaadkii sanadkii 2017-kii.
wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/laahi Salaad Oomaar ayaa Faahfaahin ka bixiyay kulankaan isagoo guul weyn ku tilmaamay inay dowlada Soomalaiya dib u hanatay hawadeeda sidoo kalena ayadoo ka madaxbanaan Hay’ada ICAO ay kulankaan si Rasmi ah uga Qaybgashay Shirkaan ay ku sugan yihiin dhamaan wadamada Caalamku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here