DHAGEYSO:Wasaarada Qorshaynta Soomaaliya oo dhamaystirtay Sharciga NGO-yada

Gudoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh C/raxmaan iyo ku xigeenkiisa koobaad ayaa waxay kulan Gaara la qaateen masuuliyiinta wasaarada qorshaynta iyo Hormarin dhaqaalaha ee dowlada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada qorshaynta, hormarinta dhaqaalaha iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee dowlada Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan ayaa sheegay inay diyaariyeen oo qaarkood heer gabo gabo ah marayaan sharciyo badan oo dalka Muhiim u ah kuwaasoo ay doonayaan inay dhawaan horgeeyaan golaha Wasiirada kadibna Baarlamaanka loo sii gudbiyo.
Shuruucdaan ayaa dhamaantooda la xiriirta qorsheyaasha Maalgashia ayuu wasiirku sheegay inuu ka mid yahay sharciga NGO-yada Soomaaliya.

 

Dhanka kale Gudoomiyaha Golahaa Shacabka Soomaaliya maxamed Mursal Sh C.raxmaan ayaa howlaha Wasaarada qorshaynta Bogaadiyay isagoo dhanka kalena sheegay inay baarlamaankla ku dadaalayaan meelmarinta sharciyada howlaha Wasaarada muhiimka u ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here