DHAGEYSO:Wasaaradda caafimaadka oo ka digtay in ardayda sun lagu buufiyo

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa soo saartay digniin ah in daawada lagula dagaalamaya cudurka COVID19 aan la gaarsiin ardayda.
Tani ayaa timid kaddib markii baraha bulshada ay ku wada xiriirto lagu faafiyay muuqaal laga dhex arkaya gabdho arday ah oo la buufinaya .
Isniintii ayay ardayda fasallada afaraad iyo sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo fasalka afaraad ee dugsiyada sare dib ugu laabteen goobaha waxbarashada.
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Rashid Aman ayaa xusay in waxyaabaha jeermiska dila ee lagu buufiyo goobaha kala duwan ay saameyn dhanka jirka ah iyo mid maskaxeed ku yeelan karaan bani’aadamka.
Waxaa uu intaa ku daray in muuqaalka la faafiyay uu soo gaaray wasaaradda caafimaadka sidaas awgeedna dabagal lagu hayo si cidii ka dambeysay loola xisaabtamo.
Barasaabka ismaamulka Machakos Dr. Alfred Mutua ayaa dhankiisa xusay in falkan uu yahay mid aad looga xumaado isagoo carrabka ku adkeeyay in ardayda aan sidii cayayaanka loo buufin Karin

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here