DHAGEYSO:Wasaaradda caafimaadka oo ku baaqaysa in guriyaha lagu sugnaado

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa weli waddo baaqa ay u jeedinayso shacabka ee ah inay guriyahooda joogaan.
Qoraal dhawaan ay wasaaraddu soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitarka ayay ku sheegtay inay lagama maarmaan tahay inaan la tagin meelaha dadka badan isugu yimaadaan.
Hadii aad isku aragto astaamaha lala xiriiriyo Coronavirus , wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa kugula talinaysa inaad wacdo nambarka ah 719.
Waxaa xalay la buufiyay bartamaha magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa si looga hor tago faafidda cudurka.
Meelaha ay saraakiisha buufiyeen waxaa sido kale ka mid ahaa goobo la deggan yahay.
Barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa sheegay inay Dowladda dhexe garab ku siinayaan dadaallada socdo.
Waxaa uu dadweynaha ugu baaqay inay guriyahooda ku sugnaadaan oo cidda xanuunka isaga shakisa keliya ay daryeel caafimaad raadsato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here