DHAGEYSO:Wasaaradda dowlad wadaajinta oo waddo qeybinta cunnada gargaarka

Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Mr. Eugene Wamalwa oo safar ku tagay ismaamulka Wajeer ayaa sheegay in dowladda dhexe ay dadaal badan ku bixinayso in la caawiyo dadka ay daadadka saameyeen.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay saameyn soo gaartay shacabka ku nool deegaano hoos tago ismaamulada Wajeer iyo Mandera.
Sido kale waxaa uu xusay in cunnada gargaarka aan shacabka la gaarsiin xilligi loogu talagalay maadaama roobabka lixaadka leh oo da’aya awgeed waddooyinka qaar ay xirmeen.
Mr. Wamalwa ayaa xusay in maamulka talada haya ee Jubilee uu dadaalkiisa laba laabayo si deegaanada kala duwan loo gaarsiiyo gurmad ku filan iyadoo diyaarado la adeegsanaya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here