DHAGEYSO:Wasaaradda maaliyadda oo raadinaysa lacago wax looga qaban karo daadadka

Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa billowday olole soconaya muddo saddex bilood ah oo ay uga gol leedahay inay ku aruuriso dhaqaale dheeraad oo loo adeegsan karo la tacaalidda saameynta ka dhalatay roobabka culus ee ka da’ay qeybo ka mid ah wadanka.
Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ahna sii hayaha xilka wasiirka maaliyadda Ukur Yatani ayaa qorshahan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay u baahan tahay kheyraad dhibaatooyinka jiro wax looga qaban karo.
Tani ayaa ku soo qaadaysa iyadoo ilaa iyo hadda 58 qof ay ku dhinteen dhul go’o maalmo ka hor saameeyay ismaamulka galbeedka Pokot sida laga soo xigtay hoggaamiyaha dowlad deegaankaasi Prof. John Lonyangapuo.

Qaar ka mid ah shacabka galbeedka Pokot oo xaalado adag ay soo foodsaareen ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna uu isna sheegay in guud ahaan wadanka roobabka ka da’ay iyo daadadka ka dhashay ay ku nafwaayeen 118 qof.
Dhanka kale waaxda saadaasha hawada ayaa ka digtay in roobab xooggan ay ka sii da’aan Machakos, Nairobi, Nyeri, Kiambu, Tharaka Nthi, Nakuru iyo Garissa.
Waxaa dhanka kale guriyahooda ka barakacay ugu yaraan 16,700 qof halka tirada guud ee ay saameynta soo gaartay ay tahay in ka badan 350,000 qof .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here