DHAGEYSO:Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo sheegtay in warbaahinta qaranku noqonayso mid talada shacabka qaadata

Wasiirka wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Maanta ka hadlayay Munaasabad lagu daahfurayay qorshaha wada shaqaynta Wasaaradda iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Warbaahinta Qaranka ay noqon doontaa mid taladeeda hadda kadib ay wax ku yeeshaan Bulshada Soomaaliyeed.
Wasiir Maareeye wuxuu tilmaamay in soo jeedimaha bulshada qaybaheeda kala duwan sida Axsaabta Siyaasadeed,Ururada haweenka,kuwa dhalinyarada iyo dhamaan dhinacyada ay muhiim weyn u noqonayaa warbaahinta dowladda maadaam hadda kaddib warbaahinta Qaranku u guurtay warbaahinta Bulshada Soomaaliyeed.
Wasiir Maareeye ayaa dhanka kale ka hadlay waxqabadka dowladda Soomaaliya ee hada jirta wuxuuna sheegay inay Dowladdii Soomaaliya ka dhalatay 8-February uu wixii ugu fiicnaa ka xasuusto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here