DHAGEYSO:Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo tababar u soo xirtay wariyeyaal

Siihaya Xilka Wasiiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadsa Federaalka Soomaaliya ayaa tababar ku saabsan Afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed wuxuu usoo xiray in ka badan 70 Suxufiyiin ah.
Suxufiyiintaan ayaa waxay ka qaybgalay Howlwadeenada Wasaaradda warfaafinta dowladda dhexe,Kuwa warbaahinta Madaxa Banaan iyo Ardayda Saxaafadda ka barta Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.
Macalimiintii Tababarka Bixinaysay ayaa bogaadiyay dhalinyaradaan ay ka go’an tahay Barashada afkooda iyo dhaqankooda waxayna sheegeen inay muhiim tahay in cidkasta ay hormariso waxa ay leedahay sida dhaqanka iyo luuqada hooyo.

Qaar ka mid ah ardaydii qaatay tababarka ayaa bogaadiyay howshaan ay iska kaashadeen wasaaradda warfaafinta iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed.

Siihaya Xilka Wasiiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay inay wasaaraddu Diyaar u tahay kobcinta aqoonta Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo tababaradooda,isagoo bogaadiyay Macalimiintii tababarkaan bixinaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here