DHAGEYSO:Wasaaradda waxbarashada iyo ururka macallimiinta ee KNUT oo loogu baaqay inay ka heshiyaan manhajka cusub

Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa wasaaradda waxbarashada ee dalka ku booriyay inay dhaqangalinta manhajka cusub ee waxbarashada kala hadasho mas’uuliyiinta ururka macallimiinta ee KNUT iyo KUPPET.
Mr. Mudavadi ayaa hoosta ka xariiqay inaan loo baahnayn isqabqabsi u dhexeya labada dhinac maadaama uu halis gelin karo mustaqbalka carruurta Kenyaank ah.
Waxaa uu sido kale sheegay in arrimaha waxbarashada ay muhiimad gaar ah leeyihin sidaasi awgeedna la doonayo in xeerarka lagu dhaqmayo iyo ku tallaaba qaadka barnaamijyada kala duwan ay noqdaan kuwo wada hadal iyo hehiis ku saleysan.

Hadalka madaxa ANC ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmo ka hor wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha uu daahfuray xeerarka loo adeegsanayo dhaqangalinta manhajka cusub ee 2-6-3-3-3.
Prof. Magoha ayaa carrabka ku adkeeyay in ururada macallimiinta dalka laga qeyb galiyay geedisocodka hannaanka tacliinta sidaasi awgeedna aynan jirin cid hor istaagi karto in si buuxda wadanka looga dhaqangaliyo.
Xoghayaha guud ee ururka qaran ee barayaasha dalka KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa dhankiisa ku doodaya in macallimiinta aynan u diyaarsanayn manhajka cusub.
Waxaa uu intaasi raaciyay in tababar maalmo kooban la siiyay bishii hore ee sannadkan aynan ku filnayn inay ardayda sida habboon ugu gudbiyaan casharada iyagoo adeegsanaya nidaamka hor leh.
Sossion ayaa dhankiisa barayaasha dalka ugu baaqay inay sii adeegsadaan manhajkii wadanka laga isticmaalayay in ka badan 30 sano ee 8-4-4 ilaa inta heshiis laga gaarayo qodobada lagu muransanyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here