DHAGEYSO:Wasaaradda Waxbarshada Soomaaliya oo diyaarineysa Manhajka dugsiyada sare.

Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan ay bilaabi doonan diyaarinta Manhajka dugsiyada sare ee dalka Soomaaliya, si looga gudbo Manaahijta kala duwan ee ay qaataan ardayda dhigata dugsiyada sare ee gudaha wadanka.
Agaasimaha Xafiiska Manaahijta iyo fayo dhowrka Wasaaradda Waxbarashada, mudane, Maxamed Xasan Mukhtaar oo wareysi siiyay warbaahinta dowlada Soomaaliya ayaa sheegay inay Wasaaradu soo dhameysay wajiyada 1-aad iyo 2-aad ee Manhajka waxbarashada dalka oo kala ah dugsiga hoose iyo midka dhexe,isagooo tilmamay in dhawaan la bilaabi doono Manhajka dugsiga sare oo ku qoran Af-Soomaali.
Wasiirka wasaarada waxbarashada Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in horay dalka Soomaaliya ay uga jireen ku dhawaad 40 Manhaj Waxbarasho oo kale duwan taasoo caqabad ku noqotay tayada waxbarashada dalka wuxuuna u mahad celiyay dowlada dhexe oo dadaal dheeri ah ku bixisay tayaynta Waxrashada dalka.
Manhajka ay dowlada Soomaaliya diyaarisay ayaa loogu tala galay in ka badan Sadex boqol oo kun oo arday Soomalaiyeed ah kuwaasoo wax ka barta 915 School oo ku kala yaala dhamaan gobolada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa dhankiisa Hoosta ka xariiqay in Dowladda Soomaaliya ay Juhdi badan ku bixinayso tayaynta warbarashada dalka si wadanku dhinacyo badan horumar uga gaaro.

Dowlada Soomaaliya ayaa hore usoo saartay Manhajka dugsiga hoose,iyadoo shalayne uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo daah furay Manhajka waxbarashada dugsiga dhexe ee dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here