DHAGEYSO:Wasiirada Maamulka Hirshabeelle oo loogu baaqay inay si deg deg ah ku Yimaadaan Magaalada Jowhar

Ayadoo Dhawaan la filayo in Xubnaha Golaha Wasiirada ee Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle inay Kulan ka yeeshaan miisaaniyadda Maamulka Hir-Shabeelle ee sanadka 2020 si ay u ansixiyaan,kadibna loogu gudbiyo Xildhibaannada Maamulkaas ayaa Wasiirada laga dalbaday inay soo xaadiraan fadhigaasi.
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku amrey dhamaan Golaha Wasiirada ee Maamulkiisa kana maqan Magaalada Jowhar ha ahaadaan kuwa fasaxa ku maqan ama kuwo kale inay si deg deg ag dib ugu soo laabtaan.
Afhayeenka Maamulka Hir-Shabeelle daa’uud Xaaji Ciro oo faah faahinayey War kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa sheegay in inta lagu jiro diyaar garoow horgaynta golaha wasiirada Miisaaniyadda Maamulka Hir-Shabeelle ee sanadka 2020 laga doonayo inay dhamaan xubnaha wasiiradu soo xaadiraan.
Amarkaan ayuu Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare waxaa uu dul-dhigey Wasiirada xilli shalay Gelinkii dambe uu dib ugu laabtey Magaalada Jowhar,kadib Maalmo uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here