DHAGEYSO:Wasiiradda arrimaha haweenka Soomaaliya oo xilkeeda la wareegtay

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda aadanaha dowladda Fedraalka Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta waxay Xilkeeda kala Wareegtay Wasiiradii iyaga ka horaysay Deeqa Yaasiin.
Wasiirada Cusub oo goobta hadal ka jeedisay ayaa sheegay inay dadaal badan ku bixin doonto hormarinta arrimaha haweenka iyo Xaquuqul aadanaha dalka Soomaaliya ayna shaqada ka sii anba qaadi doonto halkii ay gaysay wasiiraddii ka horaysay.
Xaniifa Maxamed Ibraahim wasiirka Cusub ee Wasaaradda arrimaha Haweenka iyo Xaquuqul insaanka dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku dadaali doonto hirgalinta sharciyada muhiimad u ah howlaha wasaaradda.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda aadanaha dowladda Federaalka Soomalaiya Deeqo Yaasiin Xaaji oo maanta xilka ku wareejisay Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaas Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa u mahadcelisay dhamaan dhinacyadii ka soo qayb noqday shaqooyinka wasaarada haweenka iyo wasaaradaha kale ee dowladda Soomaaliya,waxayna bogaadiyay xubnaha gabdhaha ah ee xilalka ka soo qabtay dowladda kuwaasoo ay Tilmaamtay inay ka Mira dhaliyeen shaqooyinkii loo igmaday.
Waxay Sidoo kale sharaxaad ka bixisay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ay wasaaradda Haweenku guulaysatay mudadii ay xilka Haysay.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulled Qadar ayaa munaasabadda Xil-wareejinta Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda aadanaha ka sheegay inay jiraan howlo badan oo Wasaaraddu ay ku guulaysatay iyo kuwo ay tahay inay wasiirka Cusub sii dhamaystirto,wuxuna ku booriyay dhamaan dhinacyada Soomaalida in la xaqiijiyo Qoondada Siyaasadeed ee Haweenka oo Boqolkiiba 30 –ka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here