DHAGEYSO:Wasiiradda dhulalka oo sheegtay in la xallinayo dhibaatooyinka Mombasa

Wasiiradda wasaaradda dhulalka ee dalka Farida Karoney oo gaartay gobolka xeebta ee dalka ayaa sheegtay in dhawaan la xallin doono caqabadaha dhanka deegaanka ee shacabka halkaasi ku nool ay inu muddo ah tabanayeen.
Waxay sheegtay in wasaaradda ay hoggaamiso ay ku dadaaleyso sidii looga gudbi lahaa in qof kenyaan ah uu hooy la’aan sii ahaado.

 

Mrs. Karoney ayaa carrabka ku dhufatay in qof waliba oo muwaadin ah uu xaq u leeyahay inuu ku noolaado hooy u sharciyeysan oo uu haysto dokumeenti muujinaya inuu mulkiilaha dhulkaasi yahay.
Hadalka wasiiradda ayaa yimid kaddib markii qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolkaasi ay cabasho ka muujiyeen in sanado badan kaddib ay weli jiraan dad aan haysan hooy maadaama aynan lahayn dhul ay dowladdu u sharciyeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here