DHAGEYSO:Wasiirka amniga Galmudug oo la wareegay Gaadiid iyo Malaashiyaad

Wasiirka Amniga maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa lawareegay Maleeshiyo beeleed iyo Gaadiid dagaal kuwaasoo laga soo aruuriyay deegaanada gobolka Mudug.
Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Deegaanada laga soo aruuriyay maleeshiyaadkaan lagu biirinayo ciidanka Daraawiishta maamulka Galmudug ayaa wasiirka amniga ku wareeijiyay ciidankaan.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle iyo wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa labaduba bogaadiyay Talaabada Maleeshiyaadka loogu biirinayo ciidanka maamulka si meesha looga saaro dagaalada qabaa’ilka ka salaysan ee deegaanada Maamulka Galmudug ku soo lalaabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here