DHAGEYSO:Wasiirka Amniga Galmudug oo sheegay in uu isku day dil ka badbaaday

Wasiirka Amniga Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi

Wasiirka Amniga Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo Warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa fahahfaahin ka bixiyay howlgalladii ugu danbeeyay ee Ciidamada Ammaanka ka wadeen Magaalada Gaalkacyo iyo falal amni darro oo uu sheegay inay ka hortageen.
Wasiir Fiqi waxaa uu Xusay in intii Ciidamada howlgalka ay ku gudaha Jireen ay ku qabteen Miino nooca Gaadiidka lagu dhejiyo oo uu sheegay in la doonayay in Gaarigiisa lagu dhejiyo sidoo kalena la qabtay Nin ka tirsanaa Al-Shabaab oo Magaciisa uu ku sheegay Aweys,kaasoo uu Tilmaamay inuu ku howlanaa fulinta falal amni darro.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada amniga ay heleen xogta Madaxii Al-Shabaab ee Gobolka Mudug,hayeeshee markii ay isku dayeen inay Ciidamada Ammaanku qabtaan uu dagaalamay sidaasina lagu toogtay.
Ugu dambeyn wasirka amniga ee Maamulka Galmudug ayaa Shacabka ku nool deegaannada Maamulkaasi gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo o inta badan ay ka dhacaan falalka amaan darada ah wuxuu ugu baaqay inay la Shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka,sla markaana aysan noqon kuwo gabaad siiya sida uu hadalka u dhigay kooxaha amaanka lidiga ku ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here