DHAGEYSO:Wasiirka amniga Galmudug oo sheegay inay sugeen amaanka Magaalada Gaalkacyo

WASIIRKA AMNIGA GALMUDUG AXMED MACALIN FIQI

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in wasaaradda ay qorshooyin la xiriira dhinaca Amniga iyo ka hortegida maleeshiyaad dhibaatooyin ka wada deegaannada Galmudug ay wadaan,isla markaana inta badan ay ku guuleysteen sugida amaanka deegaanada Maamulkaas.
Wasiir Fiqi Waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska Galmudug ay sugeen hada amaanka Magaalada Gaalkacyo oo markii hore uu sheegay inay maleeshiyaad tiro yar amni darro ka wadeen,sidoo kale iibinayay waxyaabaha maanka dooriya oo qeyb ka ah amni darrada Magaalada dhibaatada weyn ku ahayd.
Wasiir Fiqi waxaa uu intaas ku daray inay suurtagal u noqon weysay inay Siyaasadda Dowladda Federaalka waxka raadiyaan, iyadoo dadkii ay metelayeen maleeshiyaad aan ka badneyn 50 ruux ay si awood ah u heystaan sida uu hadalkiisa u dhigay.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa kusoo aadaya xilli maalmo ka hor Wasaaradda Amniga Galmudug ay la wareegtay baro koontorool oo ku yaalla Magaalada Gaalkacyo,kuwaasoo ay markii hore gacanta ku hayeen maleeshiyaad dadka deegaanka ah oo mararka qaar uu iska Hor imaad dhex mari jiray iyaga iyo ciidanka Magaalada kula Sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here