DHAGEYSO:Wasiirka Amniga Soomaaliya oo ka digay in mudo kororsi la sameeyo

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo ka digay in mudo kororsi la sameeyo.
Wasiirka wasaarada Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay inay lagama maarmaan Tahay in dalka Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo dhamaadka Sanadkaan oo ah xiliga Sharciyan ay tahay in dowlada xigta la soo dhiso.
Wasiir Islow ayaa sheegay in Xildhibaano Habeen Hore kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ay u Muuqdeen inay mudo kordhin u Sameeyaan Hay’adaha dowlada ee hada shaqeeya.
Wasiir Islow ayaa sheegay inaysan marna talaabadaas ogolaanayn maadaama aysan arintaan dani ugu jirin dalka iyo shacabka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here