DHAGEYSO:Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo Codsi u diray Saxiixayaasha Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fedraalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye   ayaa sheegay in gebi ahaan la xaliyey tabashadii ay ka jirtay dhismaha Maamulka Galmudug,isla markaana Baarlamaanka Cusub Ahlusuna laga siiyey 20 Xildhibaan lana ogeysiiyey Odayaasha Dhaqanka iyo Xubnaha Beesha Caalamka Maadaama sidaas loo arkay Xalka Galmudug loo dhan yahay uu ku imaan karo.
Waxa uu sheegay in culey badan uu ka dhashay dhismaha Galmudug loo dhan yahay,sidoo kalena ay adkaatay hirgelinta heshiisyo dhacay,isagoo Odayaasha saxiixayaasha Galmudug ugu baaqay in si toos ah Ahlusunna loo siiyo 20-ka Xildhibaan ee looga balan qaaday Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

 

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kusoo aadaya xilli Guddiga farsamada iyo dhismaha maamulka Galmudug ay soo saareen Jadwalka Cusub ee doorashada Maamulkaasi.
Xaqiijinta Odayaasha dhaqanka ee Soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug iyo Xalinta Khilaafaadka jira ayaa loo qabtay inta u dhexaysa 19 ilaa 23 bishaan December.
Soo xulista Xildhibaanada Galmudug 24 ilaa 30 December,howlgalinta iyo dhaarinta Xildhibanada 31-ka December,doorashooyinka Gudoonka Baarlamanaka Galmudug 4 Bisha Janaayo ee sanadka soo socda.
Halka doorashooyinka Madaxweynaha Galmudug iyo Ku xigeenkiisana la qorsheeyay inay dhacdo 9-ka isla bisha Janaayo ee Sanadka Soo socda 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here