DHAGEYSO:Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya oo eedaymo u jeediyay Hogaanka Ahlusuna.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Fedraalka iyo dib u heshiisiinta dowlada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa eedeyn u jeediyey hoggaanka sare ee ahlusunna,wuxuuna ku Dhliilay inay diidan yihiin dhismaha Galmudug loo dhanyahay.
Wasiirka ayaa sheegay in waxa hadda ka Socda deegaannada Galmudug aysan aheyn kuwii ay la soo bilaabeen Hoggaanka Ahlusunna,isla markaana aysan ka turjumeen arrimaha masiiriga ah ee dadka reer Galmudug.
Waxaa uu ku eedeeyey hoggaanka Ahlusunna inay wadaan waxyaabo keeni kara dib u noqosho,waxaana uu ugu baaqay inay joojiyaan caqabad uu sheegay inay ku yihiin dhismaha Galmudug sida uu warkiisa ku sheegay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya.
Ugu dambeyn Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka Arimaha gudaha ee dowlada Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda dhexe ee Fedraalku ay diyaar u tahay xalinta tabashada ay qabaan Hoganaka Ahlusun,hayeeshee aan laga aqbaleyn shuruud lagu Xidho dhismaha Maamulka Galmudug.

 

Wali waxaan Xal laga gaarin khilaafka dowlada dhexe iyo hogaanka Ahlusun wuxuuna saamayn ku yeeshay howlaha maamulka ayadoo dhanka kalena uu dib u dhac ku keenay dhismaha maamulka galmudug maadaa kadib Markii la soo gabagabeeyay Shirkii dib u heshiisiinta Galmuudg uu qorshuhu ahaa in halkaas laga dhiso maamul ay u wada dhan yihiin dadka deegaanka.
Balse arinta ayaa is badashay kadib markii wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ay soo magacawday gudiga Farsamada maamul u Samaynta Galmudug ayadoo ay Ahlusuna gudigaas qaadaceen dhinacoodana ay soo magacaabeen gudig kale oo u gaar ah.
Sidoo kale waxaysan Natiijo ka Soo bixin dhowr kulan oo ay yeesheen hogaanka Ahlusuna iyo wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya waxaana wali degmooyinka Dhuusamareeb,Guriceel iyo deegaano kala jirta is afgaranwaaga u dhexeeya labada dhinac.
Dhanka kale Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo kamid ah deegaannada ay horay Gacanta ugu haayeen Ahlusunna balse ay la wareegeen Ciidamada dowladda dhexe ayaa waxaa Maanta gaaray Saraakiil katirsan ciidamada Xogga.
Saraakiisha Taliska Qaybta 21-aad sida Taliyaha Qaybta Gen: C/Casiis C/llaahi Qooje, Taliyaha Guutada 15-aad Gen Mascuud Maxamed iyo Agaasinka Nabadsugida gaarka ah ayaa gaarey Saldhiga Degmada Guriceel iyo goobo Kale oo amaankooda ay la wareegeen Ciidamada Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
Saraakiishaan ayaa waxaay kulamo la qaadanayaan inta ay halkaas ku sugan yihiin Hoggaanka Dhaqanka ee degmada Guriceel iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaaladaasi ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here