DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo dalbaday warbixin ku saabsan eedeyn booliska loo jeediyay

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr.Fred Matiang’I ayaa sheegay inuu abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai iyo taliyaha booliska ee Nairobi ,Philip Ndolo ka dalbaday inay u soo gudbiyaan warbixin ku aaddan muuqaal la baahiyay oo laga dhex arkaya qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka iyo mid ka mid ah wadayaasha baabuurta xamuulka oo uu muran ka dhexeya.
Matiangi ayaa xusay inuu amarkan bixiyay kaddib markii lagu soo wargeliyay dhacdadan.
Muuqaal uu wasiirka soo dhigay bartiisa rasmiga ee twitarka ayaa la maqlayaa darawalka baabuurka oo ciidamada ku eedeynaya inay gaariga ka jabiyeen.
Waxaa uu ku doodaya inuu haysta dokumeentiyada laga doonaya sidaas awgeedna aynan dhibaateyn karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here