DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay inaan soomaalida lala xiriirin karin Al-Shabaab

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi ayaa shaaca ka qaaday in soomaalida qowmiyad ahaan iyo diinta Islaamka labaduba aan lala xiriirin karin kooxaha gaysta falalka argagixiso.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Al-Shabaab aynan matalin bulsho ama diin gaar ah.
Matiangi ayaa intaas ku daray in qofka fikirka noocan oo kale qabo uu garab siinayo cadowga.

Wasiirka ayaa arrintan ka hadlay xilli uu ka qeybgalay xaflad madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta looga mahadcelinayay magacaabidda wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka Mr. Ukuru Yatani.
Waxaa xafladdaas ka soo qeyb galay siyaasiyiinta ismaamullada xoola dhaqatada oo wasiirka maaliyadda ka codsaday inuu dhanka dhaqaalaha ka taageero dowlad deegaanada dhanka horumarka ku dambeeya.
Mr. Yatani ayaa dhankiisa ballanqaaday inuu Kenyaanka uu si caddaalad ay ku dheehan tahay ugu adeegi doono.
Ukuru Yatani oo horay u ahaa wasiirkii wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ayaa si ku meel gaar ah u hayay wasaaradda maaliyadda kaddib markii uu xafiiska banneeyay Henry Rotich in kastoo ugu dambeyn uu si buuxda ula wareegay jagadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here