DHAGEYSO:Wasiirka batroolka soomaaliya oo ku sugan Suudaan

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda Batroolka iyo macdanta ee xukuumadda federaalka soomaaliya Cabdirashid Maxamed Axmed oo xalay gaaray magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan ayaa waxaa soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaasi Caadil Cali Ibraahim iyo mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee wadanka Suudaan.
Wasiirka ayaa muddo laba cisho ah ku sugnaan doono dalka Suudaan wuxuuna kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda wadankaas.
Danjiraha soomaaliya ee Suudaan Ambasadoor Maxamad Sheekh Isaaq oo warbaahinta uga warramay safarka wafdiga wasiirka ayaa sheegay in la isla meel dhigay heshiis is-afgarad ah.

Dhanka kale wasiirka wasaarada Batroolka Xukuumadda Federaalka soomaaliya Cabdrashiid Maxamed Axmed ayaa faah faahiyay muhiimada uu leeyahay saxiixa Sharciga Batroolka iyo heerarkii uu soo maray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here