DHAGEYSO:Wasiirka beeraha oo sheegay inuu ku dadaalay badbaadinta Kindiki

Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Mr. Peter Munya ayaa sheegay inuu dadaal ku bixiyay sidii guddoomiye ku xigeenka aqalka sare ahna senetarka ismaamulka Tharaka-Nithi Prof. Kithure Kindiki looga badbaadin lahaa in xilka laga qaado balse uu ku guul dareystay.
Mr. Munya ayaa xusay in Kindiki iyo madaxda kale ee xisbiga Jubilee ee xilalka laga xayuubiyay ama maraya geedisocod xisbiyeed oo dhanka nidaamka ah laga doonayo inaynan cidna eedeyn.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in siyaasiyiintan ay caqabad ku noqdeen hoggaamiyaha dalka gaar ahaan qaabka uu u fulinayo ajeendayaasha horumarineed ee dowladda.
Wasiirka ayaa tusaale u soo qaatay inay ka soo horjeesteen xilalkii ismaamulka Nairobi uu dowladda dhexe ku wareejiyay iyo miisaaniyaddii arrinkaas loo qoondeeyay.
Munya ayaa su’aal geliyay sababta siyaasi ka tirsan xisbiga talada haya ee Jubilee uu uga soo horjeedsan karo qorshaha horumarineed ee dowladda.
Waxaa uu yiri hadii aad ku caasiso xisbigaaga kaddibna lagu ciaaqabo ma oran kartid dastuurka ayaa la iska indha tiray.
Dhanka kale waxgaradka Njuri Ncheke ee ismaamulka Meru ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ugu baaqay inuu gacan ka gaysto sidii Senatar Kithure Kindikii uu uga sii mid ahaan lahaa dowladda.

Kindiki ayaa xilka guddoomiye ku xigeenka aqalka sare laga qaaday Jimcihii kaddib markii mooshinka ka dhanka ahaa oo lagu saleeyay inuunan ka qeyb gelin kulan uu madaxweynaha shir guddoomiyay ay codkooda ku taageereen 54 senetar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here