DHAGEYSO:Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo sheegay inay qalab Casri ah Ayaxa ku uufin doonaan

Wasiirka wasaarada Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay inka badan 100,kun oo hektar dhul ay baaxadiisu Gaarayso uu Baabi’iyay Ayixiin qaybo badan oo Soomaaliya ka mid ah ku habsaday Sanadkii hore ilaa Sanadkaan Bilowgiisa,wasaarada uu hogaaminayana ay diyaarisay qalb Casri ah oo Ayaxa Saamayntiisa looga Hortagayo iyagoo kaashanaya wasaarada Duulista hawada ee dowlada Soomaaliya.

Saciid Xuseen Ciida Wasiirka beeraha Soomaaliya ayaa markale Tilmaamay in qorsheyaasha fog ee wasaarada ay ka mid tahay dib u soo noolaunta Xarumihii la dagaalanka Ayaxa,Diyaarado lagu buufiyo isgaa Xaqiijiyay in Sunta wasaaradu in Ayaxa lagula dagaalamo ay tahay mid aah waxyeelo u gaysanaynd deegaanka,duunyada iyo dadka ku Nool intaba.

Kulankaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay’ada Cunada iyo Beeraha aduunka ee FOA waxayna Hay’adu sheegtay inay rumaysan tahay in xili roobaadka Guga aya Suurto Galtahay inuu markale Soo laabto Ayax Waxyeelo u gaysan kara Dalagyada Beeraha iyo dhul daaqsimeedka Soomaaliya.
Madashaan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb Galay Wasaaradaha Beeraha ee maamul goboleedyada,Masuuliyiin ka Socotay hay’adaha Caalamiga ah waxayna dhamaantood isla meel dhigeen in la iska kaashadu ka hortaga Ayaxa deegaanada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here