DHAGEYSO:Wasiirka caafimaadka iyo arrimaha gudaha oo ku sugan Nyandarua

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Mr. Mutahi Kagwe iyo dhigiisa arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi ayaa hadda ku sugan ismaamulka Nyandarua ee gobolka bartamaha dalka.
Waxaa socdaalka ay halkaas ku tageen ku wehelinaysa wasiirrada biyaha iyo waraabka ,Sicily Kariuki.
Mas’uuliyiintan ayaa kormeer ku sameynaya mashaariicda iyo barnaamijyada horumarineed ee dowladda dhexe.
Sido kale waxay halkaas ku yeelanayaan kulan ku saabsan amniga si xal loogu helo dhibaatooyin ismaamulkaas ka jiro.
Madaxda ayaa u kuur galaya diyaar garowga Nyandarua ee ku saabsan cudurka covid-19.
Barasaabka dowlad deegaanka Nyandarua Mr. Francis Kimemia ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ay ka wada hadleen madaxda ismaamulkaas tagay

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa ka hadlay ujeedada ay maanta Nyandarua u tageen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here