DHAGEYSO:Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo sheegay in sharciga la marsiin doono askari ilaladiisa ka tirsan oo dilay Sarkaal kale

Wasiirka wasaraada Cadaaladda Xukuumada Fedraalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inuu cadaaladda marayo askari ka tirsan ilaaladiisa oo magaalada Muqdisho ku dilay Sarkaal isna ka howlgalayay xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka
Wasiirka oo warbaahinta kulada hadlay Magaalada Muqdisho ayaa Tacsi u diray qoyska,asxaabta iyo xafiiska Xeer ilaalinta guud ee uu ka geeriyooday AUN Marxuum Maxamed Abdulqaadir Cilmi oo Magaalada Muqdisho uu ku dilay Askari ka mid ahaa ilaalada wasiirka calaadada Soomaaliya.
Xassan Xuseen Xaaji wasiirka wasaarada Cadaalada Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin cid sharciga ka weyn ayna Waajib tahay Saraynta sharciga cidkasta oo ku xadgudubtana ay cadaalada Mari doonto isagoo dhanka kalena Saraakiisha iyo hogaamada sar sare ee dhamaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Qalabka sida ugu baaqay inay Ciidamada siiyaan tababaro qaas ah oo ku saabsan inaysan shacabka iyo muwaadiniinta kale ku dhibaatayn hubka Gacmahooda ku jira.

Dilka Sarkaalka ka tirsan Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya ayaa ka dhacay Tre-piano oo ka tirsan Waddada Maka Almukarrama ee Magaalada Muqdisho.
Dilka Marxuum Maxamed Cabdulqaadir Cilmi ayaa yimid ka dib markii sida la sheegay ay ka shakiyeen gaariga uu watay Ciidamo ilaalo u ahaa Wasiirka Caddaaladda dowladda Fedraalka Soomaaliya balse xiligaas aan wasiirka la socon.
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa ka tacsiyay dilka Maxamed Cabdulqaadir Cilmi loogu gaystay Magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii Dilka geystay.
Sidoo kale Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa wuxuu la wadaagayaa qoyska, ehelada iyo shaqaalaha xafiiska Xeer-ilaaliya Guud ee Qaranka tacsi tiiraanyo leh geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Sarkaalkaas ka Tirsanaa Xafiiskiis oo gacan ka xaqdaran ku dishay magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here