DHAGEYSO:Wasiirka cusub ee ganacsiga Soomaaliya oo xilkiisa la wareegay.

Wasiirka cusub ee wasaarada waxbarashada Soomaaliya Eng C/laahi Cali Xassan ayaa sheegay in wasaarada waxbarashada Soomaaliya ay shaqo wanaagsan haysa sidaa darteedna uu doonayo inuu sii hormariyo waxqabadka wasaaradaan dhawaan loo magacaabay.
C/laahi Cali Xassan Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo warashadaha Soomaaliya wuxuu hadalkaan ka sheegay munaasabad koobnayd oo uu xilkiisa cusub kula wareegayay oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirkii ka horeeyay hadan loo badalay wasaarada Warfaafinta,Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo dowlada ka tirsan.

Ku xigeenka R’isulwasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed qadar ayaa dhankiisa bogaadiyay wasiirkii hore ee wasaarada ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir Maareeye sidoo kalena guul u rajeeyay wasiirka cusub ee wasaarada ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya isagoo kula dardaaramay inuu wada shaqayn dhow la yeesho rugta ganacsiga Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here