DHAGEYSO:Wasiirka deegaanka dalka oo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Ku xigeenka dalka iyo Senetarka Elgeyo Marakwet

Wasiirka wasaaradda deegaanka ee dalka Keriako Tobiko ayaa dhaleeceyn u soo jeediyay madaxweyne Ku xigeenka dalka iyo senetarka ismamaulka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen .
Mr Tobiko ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka dalka uu yahay karaaniga madaxweynaha taas oo hadal heyn weyn dhalisay.
Wasiirka deegaanka ayaa dhinaca kale eedeymo dusha kala dul dhacay senetarka dowlad deegaanka Elgeyo Marakwet Mr Murkomen waxaa uuna ugu baaqay inuu xushmad u muujiyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Hadalkan ayuu jeediyay xili uu booqasho ku tagay ismamaulka Narok.

Tan ayaa sare u sii qaadaysa siyaasada ka dhex aloolsan xisbiga talada dalka haya ee Jublee.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here