DHAGEYSO:Wasiirka dowlad wadaajinta oo baaq u diray ismaamullada

Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta Mr. Eugene Wamalwa iyo sido kale guddoomiyaha aqalka sare Mr. Ken Lusaka ayaa hoggaamiyaasha dowlad deegaanada dalka ugu baaqay inay diiradda saaraan sidii ay ku bixin lahayeen lacago lagu yeeshay.
Mr. Lusaka iyo Mr. Wamalwa ayaa sido kale carrabka ku dhuftay in dowladda dhexe iyo kuwa ismaamullada laga doonayo inay ka dhaxayso wada shaqeyn buuxda.
Wasiirka ayaa sheegay in sannadihii la soo dhaafay la gaaray horumar dhanka dowlad wadaajinta ah sidaasi awgeed aan loo baahneyn in dib u dhac la horseedo.

Barasaabka ismaamulka Kakamega ahna guddoomiyaha golaha COG Mr. Wycliffe Oparanaya ayaa dhankiisa wasaaradda maaliyadda uga digay inay ka gaabiso bixinta lacagaha ismaamullada.
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa uu muran ka dhex jiray labada dhinac kaddib markii qaar ka mid ah dowlad deegaanada dalka lagu dhaliilay inaynan lacago siin shakhsiyaad iyo shirkado u fidiyay adeegyo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here