DHAGEYSO:Wasiirka duulista Hawada Soomaaliya oo Faahfaahiyay kulan ay isugu yimaadeen waaxyaha Socdaalka

Wasiirka wasaarada Gadiidka iyo Duulista hawada dowlada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad Oomaar ayaa faahfaahin wuxuu ka bixiyay kulan ay isugu yimaadeen dhamaan waaxyaha Socdaalka ee dowlada dhexe iyo Maamulka goboleedyada si la isaga gaashado Xakamaynta Socdaalka.
Wasiir oomaar ayaa sidoo kale bulshada Soomaaliya ugu baaqay inay hayd’adaha socdaalka ku garab istaagaan dadaalada muhiimka ah ee xanunkaan lagu xakamaynayo.
Wuxuu sheegay wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya in la xakamaynayo dhamaan socdaalada dalka Soomaaliya dibada uga imaanaya bada, biriga iyo cirkaba halka kuwa gudahana sharuuc gaar ah loo dajinayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here