DHAGEYSO:Wasiirka Gancsiga Soomaaliya oo faahfaahiyay saamaynta ee Fayriska Corona

Wasiirka wasaarada ganacsiga & Warshadaha XFS Eng C/laahi Cali Xassan

Wasiirka wasaarada ganacsiga & Warshadaha XFS Eng C/laahi Cali Xassan ayaa ka hadlay sameynta ganacsiga dalka Soomaaliya uu ku yeeshay cudurka Covid19 iyo dadaalka ay dowladu ku bixisay xakameyntiisa.
Wasiirka ayaa sheegay in markii ugu horeeyay ee Dowlada Soomaaliya ay Xaqiijisay xaaladii ugu horaysay ee cudurka Corona ay Samaysay talaabooyin dhowr ah oo lagu sugayo amaanka cunooyinka si aysan dhibaato ugu dhalan.
Eng C/laahi Cali Xassan wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed oo uu sheegay inay dowlada kala shaqeeyeen inaysan qiimo koror Maciishadu Samayn maadaam Canshuur dhaaf loo sameeyay.
Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa gudi u saartay ku soo sameeya saamaynta guud ee cudurku ku yeeshay dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here