DHAGEYSO:Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo booqday xarumo loo dhisay aruurinta canshuuraha

Wasiirka wasaarada Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in xarumaha cusub ee wasaarada Maaliyadu ka hirgalisay magaalada Muqdisho ay wax badan ka badali doonaan dhaqaalaha dalka Soomaaliya kadib kormeer shaqo oo uu ku tagay dhowr xarumood oo ka mid ah xarumaha dakhli aruurinta kuwaas oo dib u dhis lagu sameeyey.
Wasiir Beyle ayaa booqday Xarunta Canshuuraha Booliska Soomaaliyeed ee Taribataariyada,Macadka Canshuuraha dalka Soomaaliya,Xarunta Cusub ee Wasaarada Maaliyada iyo Xarunta Canshuuraha ee degmada Xamarweyne kuwaasoo dhismahooda ay dhawaan soo gabagabaysay wasaarada Maaliyada ee dowlada Fedraalka Soomaaliya.

Machadka Barashada iyo Cilmibaarista Canshuuraha Soomaliya oo ka mid ah Xarumaha cusub ee ay wasaaradu dhistay oo loogu talagalay in wax lagu baro dhamaan howlwadeenada ka shaqeeya arimaha maaliyada ayuu wasiirku sheegay inay qiimo weyn ugu dhafiyo umada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here