DHAGEYSO:Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo ka hadlay arimo kala duwan.

Wasiirka wasaarada Maaliyada ee dowlada Fedraalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo manata shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin qorshaha dayn cafinta Soomaaliya,Tirakoobka Hantida qaranka iyo sidoo kale dib u soo daabicita lacagtii shilinka Soomaaliga ahayd.
Wasiirka oo faahfaahinayay Tirakoobka hantida qaranka ee wasaarada Maaliyadu samaysay ayaa hadalkiisa waxaa ka mid ahaa.

 

C/raxmaan Ducaale Bayle wasiirka wasaarada Maaliyada ee dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale sharaxaya qorshah soo daabicida lacagta shilinka Soomaaliga oo uu Tilmaamay inay jiraan caqabado ku horgudban.

Wasiirka ayaa wuxuu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay wadamada iyo shirkadaha ugu badan ee dalka Soomaaliya ku leh lacagaha daymaha ah ee dowladu wado qorshihii looga cafin lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here