DHAGEYSO:Wasiirka qorshaynta Soomaaliya oo guddoomiyay Kulanka hormarinta qaranka

Shirka Golaha Horrumarinta Qaranka Soomaaliyeed oo ay isugu yimaadan Wasiiradda Qorsheynta maamul Goboleedyada iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee dowlada dhexe ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Wasiirka wasaarada Qorshaynta qaranka Maalgashiga iyo Hormarinta dhaqaalaha dowlada Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan ayaa shir gudoomiyaha kulanka guud ee golaha Hormarinta dhaqaalaha kaasoo ay Marti galisay wasaarada Qorshaynta Maamulka Galmudug ayan goob joog ka ahaayeen wasiirada qorshaynta Maamul goboleedyada iyo madaxda Wasaarada Qorshaynta Qaranka.
Shirkaan ayaa looga hadlay dardar galinta qorshaha hormarinta Qaranka,Xoojinta Wadashaqaynta wasaaradaha,Mashruuca Fulinta Ilig iyo unugyada kale ee muhiimka ah sida waxka qabashada Abaaharaha,Fatahaada iyo Xal u helida Barakacayaasha gudaha.
Shirkaan kii ka horeeyay ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana lagu ansixiyay qorshaha hormarinta qaranka oo qorshihiisa ay lahayd dowlada Soomaaliya wadatashigiisana ay qayb ka ahaayeen qaybaha bulshada iyo beesha Caalamka.
Wasiirka wasaarda Qorshaynta,Maalgashiga iyo Hormarinta dhaqaalaha ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan oo kulanka furay ayaa sheegay in shirkaan midka Xiga lagu qaban doono magaalada Baydhaba ee xarunta KMG Maamul goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here