DHAGEYSO:Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya oo sheegay in Shaqo ay qaban karaan Soomaali ay Ajaanib ku qabtaan Xalane”

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka,Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in shirkado dhowr ah oo ajasnib leeyihiin ay ka Shaqeeyaan Gudaha xerada xalane ee Magaalada Muqdisho,kuwaasoo badankooda dowladda ogtahay.
Waxaa uu sheegay Wasiir Jamaal in hay’adahaas qaarkood ay dowladda Canshuur ka qaado,hayeeshee ay jiraan kuwo Shaqa badan ka qabta Xerada Xalane,balse aan wax badan laga ogeyn arintaasina ay jiraan gudi loo saaray oo dowlada Soomaaliya iyo Qm ka kooban.
Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan ayaa wuxuu kale uu sheegay in shaqooyin badan oo ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed qaban karaan dad ajaanid ah ka qabtaan Xalane.
Wasiir Jamaal oo ay Xildhibaannada Golaha Shacabka wax ka weeydiiyeen su’aalo ku saabsan Shirkadaha Xalane ka Shaqeeya ayaainay markasta Diyaar u yihiin Bixinta faahfaahin kasta oo ku saabsan arinta xallane wuxuuna Baarlamaanka ka codsaday inay gudaha Galaan arinta la xiriirta Shirkadaha ay ka Shaqeeyaan Shaqaalaha Ajaanib ah oo dad Soomaali ah ay qabaan shaqadaas,taasina looga baahan yahay Golaha Shacbaka inay dib u eegis ku sameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here