DHAGEYSO:Wasiirka shaqaalaha Soomaaliya oo ka qayb galay shir looga hadlayay hormarinta shaqaalaha.

Shir ku saabsan sidii hormaro looga gaari lahaa arimo ay ka mid yihiin shaqo abuurka,xaquuqda shaqaalaha,la Dagaalanka faqriga iyo qodobo oo ay ka qayb galeen ilaa 19 dowladood oo African ah ayaa waxaa Soomaaliya uga qayb galay wasiirka wasaarada shaqaalaha iyo arimaha Bulshada.
Shirkaan oo ay isugu yimaadaan Masuuliyiin ka socda Wadama Africa ee looga hadlo luuqada Ingiriiska ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Kampala ee Caasimada dalka Uganda waxaan laga soo saaray qodobo ay ka mid ahaayeen tababarida shaqaalaha.
Wasiirka wasaarada shaqalaha iyo Hormarinta Bulshada ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sheegay inay maadaama ay wadama Africa ee ingiriiska looga hadlo ay Soomaaliya Xumin Firfircoon ka tahay ay qaadanayaan kaalintooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here