DHAGEYSO:Wasiirka shaqaalaha Soomaaliya oo Xudur booqday

Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda Federaalka Soomalaiya sidoo kalena ah XIldhibaan ka Tirsan golaha shacabka Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa wuxuu booqasho ku tagay deegaano ka tirsan Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed. Wuxuuna Faahfahain ka bixiyay Barnaamijka Baxnaano ee lagu quudinayo dadka danyarta ah ee Soomaaliyeed kaa soo uu sheegay inuu ka mid yahay adeegyada bulsho ee dowladdu siineyso shacabkeeda.
Wasiirka shaqaalaha Soomaaliya Sadiiq Xirsi warfaa oo ku sugnaa Magaalada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimda booqashada wafdiga uu hogaaminayo iyo kormeerka ay ku samaynayaan Barnaamijyada iyo adeegyada ay dowladfu Shacabkeeda siinayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here