DHAGEYSO:Wasiirka shaqada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir oo Booqday Isbitaalka Laansaleeti.

Wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa Booqasho ku tagay Isbitaalka Taariikhiga ah ee Laansaleeti waxayna sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan dib u dhis Balaadhan loogu samayn doono isbitaalkaasi.
Masuuliyiintaan ayaa kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay isbitaalku oo hada lagu Daryeelo dadka Dhimirka ka Xanuunsanaya,waxayna warbixino ku saabsan baahiyaha ka jira isbitaalka Laansaleeti ay ka dhagaysteen maamulka Isbitaalka.
Faaduma Cabdi Macow oo hada ayadu gacanta ku haysa Isbitaalkaan ayaa ka warbixisay qaybaha ugu muhiimsan ee Isbitaalka aan hada Shaqayn kuwaasoo loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dayactiro si bulshada loogu adeego.

 

Wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada dowlada Soomaaliy Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii dib loogu dayactiri lahaa qaybaha isbitaalka ee lagu daryeelo caruurta Darbi jiifka ah kuwaasoo la doonayo in dhaqan celin loo sameeyo si ay bulshada kala ula mid noqdaan.

 

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa dhankiisa sheegay in dib u dhiska isbitaalka Laansaleeti uu u baahan yahay iskaashi Balaadhan maadaama uu ku fadhiyo dhul ay baaxadiisu weyntahaya wuxuuna dhamaan bulshada iyo masuuliyiintaba ka codsatay inay ka qayb qaataan dhismaha Isbitaalka Taariikhiga ah ee Laansaleeti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here