DHAGEYSO:Wasiirka shaqada Soomaaliya oo dhalinyaro tababar ugu soo xiray Kampala

Wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Xirsi warfaa ayaa dhalinyaradii iyo rugta qoreyaasha Soomaaliyeed ee dalka Uganda oo aqoon is waydaarsiga soo qaban qaabisay ku booriyay inay wadankooda qalinka ugu Hiiliyaan maadaama ay iyagu yihiin dadka wadanka laga doonayo inay hogaamiyaan Mustaqbalka.

Siihayaha safaarada Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa sheegay inuu Barnaamijkaan muhiim u yahay dhalinta Soomaaliyeed isagoo wasiirka Shaqaalaha Soomaaliya ugu mahadceliyay ka qaybgalkiisa Barnaamijkaan.

Mid ka mid ah rugta qorista Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa sharaxaya muhiimada uu lee yahay Barnaamijkaan iyo sida loo doonayo inay dhalinyaradu u gaarsiiyaan dalkooda iyo iyo guud ahaan wadamada gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here