DHAGEYSO:Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka biyaha Soomaaliya oo sheegtay inay dhamaystirayaan adeega Korontada ee Issbitaalka Martiini

Wasiirka wasaarada Tabarta iyo Khayraadka biyaha ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Fowzia Maxamed Sheekh ayaa balan qaaday in la xoojinayo adeega Korontada ee Isbtilaaka Martiini Maadaama la sheegay in isbitaalka ay ka jirtay Maalin ka hor dhibaato dhanka Korontada ah.
Wasiirka Tamarta waxay sheegtay in maadaama Isbitaalka ay ku jiraan dad xanuunsan oo u baahan qalabka Korontada ku shaqeeya ay ku dadaalayaan sidii ay u dabooli lahaayeen korontadaas ayagoo kaashanaya Shirkada Beco oo ah Tan ugu weyn ee korontadada Soomaaliya.

Wasiirka wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa xiligaas sheegtay inay isbitaalka ka jirtay baahi dhanka Korontada ah kadib Culayska Koronto ku soo dhacday awgeed wallow ay hada xaliyeen kadib markii ay is kaashadeen wasaarada Tabarta iyo khayraadka Biyaha Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here