DHAGEYSO:Wasiirka waxbarashada oo ka hadlay dib u furka dugsiyada

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in go’aanka dib loogu furayo dugsiyada wadanka uu yahay mid lagu saleynaya sida looga guulaysto cudurka COVID19.
Magoha ayaa xusay in dowladda ay qorsheynayso in xarumaha waxbarashada dib loo furo bisha koowaad ee sannadka 2021-ka.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in ku tallaaba qaadka arrinkan ay ku xiran tahay xaaladda cudurka ee bilooyinka soo socdo.
Wasiirka ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu tagay machadka farsamada ee Wote ee ismaamulka Makueni.
Magoha ayaa qiimeyn ku sameynayay sida machadkaas uu ugu diyaar garoobay in dib loo furo.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay inuusan jirin jahwareer la xiriira xilliga ay ardayda dib ugu laabanayaan dugsiyada sida ay hoggaamiyaasha qaar ku andacoonayaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in marka ay yaradaan kiisaska caabuqa corona la doonayo in ilaa saddex toddobaad oo kale xaaladda wadanka ka taagan qiimeyn lagu sameeyo.
George Magoha, wasiirka waxbarashada ee dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in go’aanka kama dambeyska ee dib u furka dugsiyada uu ku dhawaaqi karo oo keliya madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Wasiirka ayaa dhanka kale nasiib darro ku tilmaamay in machadyada farsamada badankoodu aynan buuxin shuruudaha lagu xiray inay dib u howlgalaan.
Qaar ka mid ah waalidiinta dalka ayaa dowladda ugu baaqay inay si weyn u tixgeliso badqabka ardayda ka hor inta aynan ku dhawaaqin in dugsiyada la furay
Waxay cabasho ka muujinayaan in cudurka COVID19 uu saameyn dhaqaale ku yeeshay sidaas awgeedna ay codsanayaan taageero ku aaddan bixinta qarashaadka waxbarashada ee carruurtooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here