DHAGEYSO:Wasiirka waxbarashada oo sheegay in dib u furka dugsiyada ay ku xiran tahay xakameynta COVID19

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha oo maanta tagay magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa sheegay in hadii cudurka COVID19 uu sii faafo aan dib loo furi doonin xarumaha tacliinta.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aad loo tixgelinayo badqabka ardayda iyo macallimiinta.
Magoha ayaa sido kale xusay in wasaaradda ay mushaar siin doonto macallimiinta ay shaqalaysiiyeen maamullada maareeya dugsiyada ee loo yaqaano BOM.
Hasa ahaate Magoha ayaa wacad ku maray inuusan lacag heli doonin macallin aan si joogto ah u shaqeyn.
Wuxuu sheegay in marnaba uunan raali gelin ka bixinayn in macallimiinta qaar aynan mushaar helin ilaa iyo inta aynan is waafaqsaneyn macluumaadka barayaasha ee wasaaradda tacliinta loo gudbiyay.
Maamullada dugsiyada ayuu ka dalbaday inay is waafajiyaan xogta ay soo gudbinayaan si loogu wareejiyo dhaqaalaha ay dalbanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here