DHAGEYSO:Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo sheegay inay siyaasiin isku dayeen Fashilinta Imtixaanka Dugsiga Sare

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Baraha Bulsahda lagu faafiyay muuqaal been abuur ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay si loo qal-qal-geliyo imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare, isla markaana lagu marin habaabinayo carruurta Soomaaliyeed imtixaankaas u fadhiya,Waalidiintooda iyo guud ahaan bulshada.
Waxaa uu sheegay in muuqaalkaas ay soo ogaadeen inay ku lug lahaayeen siyaasiyiin doonayay inay fashiliyaan imtixaanka qaranka,sidoo kalena Talaabo laga qaaday dad faro badan oo ku howlanaa qal-qal-gelinta imtixaanka qaran ee sanadkan 2020.
Wasiirka wasaarada waxbarashada Hida iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya C/laahi goodax Barre oo sii hadlayay ayaa sheegay inay si adag ula xisaabtami doonna dhammaan dadka caadeystay inay imtixaanka siyaasadeeyaan,waxaana uu ka codsaday dhammaan Ardayda iyo ummadda Soomaaliyeed inaysan saameyn ku yeelan dadka u taagan inay niyad jabiyaan sida uu hadalkiisa u dhigay.

Hadalka wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo aadayaa ayadoo dhanka kalena ay Booliska Soomaaliya horay digniin uga soo saareen inaan wax barabagaando ah laga abuurin imtixaanka ay Wasaaradda waxbarashada Dowladda Fedraalka Soomaaliya qaadeyso qofkii lagu arkaana ay tallaabo adag ka qaadi doonaan sidoo kalena ay jiraan dad ay cidanka Boolisku u xir xireen falalka Noocaas ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here