DHAGEYSO:Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo sheegay inaysan shahaado siin doonin ardayda aan ka qayb galin Imtixaanka dowladda

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa markale sheegay in ardayda degaannada Puntland oo aan ka qyeb-gelin Imtixaanka ay Wasaaraddu qaadeyso aan la siin doonin Shahaadada Dugsiga Sare ee dowlada Soomaaliya.
Wasiirka oo ka qeyb-galay Barnaamij ka baxayay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in Puntland aysan u diyaar saneyn inay dadka intiisa kale wax la qeyb-sadaan,hayeeshee Dowladda aysan Shahaado siin doonin qof aan ka qeyb-gelin Imtixaanka qaran ee ay diyaarisay.
Waxaa uu sheegay inaysan, iyagu aheyn kuwo diidan dadka Reer Puntland,balse xaq aysan aheyn in Shahaado la siiyo Arday aan imtixaan gelin,waxaana uu cadeeyay in marnaba Ardayda aan ka qayb qaadan Imtxaanaadka dowlada dhexe aysan heli doonin Shahaahadada Dowladda iyo fursadaha waxbarashada ee dowladu bixiso.
Sanadkii hore ayuu sheegay inay socdeen waan waan arrintaasi xal looga gaarayay,balse haatan wada-hadalladaas aysan muuqan,waxaana uu Madaxda Puntland ku eedeeyay inay siyaasadeeyeen waxbarashada Ardayda ku nool degaannada Maamulkaasi.

Sanadkii hore ee 2019 ayaa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya waxaay sheegtay inaysan Shahaadada dowlada la siinayn ardayda ku nool degaannada maamulka Puntland taas oo dhalisay xiisad siyaasadeed,hayeeshee wada-hadallo labada dhinac dhexmaray kadib xal laga gaaray arintaas ayna ardaydaasi heleen shahaadadii dowlada dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here