DHAGEYSO:Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo Walaac ka Muujiyay Faafitaanka cudurka Covif 19

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowlada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaciyay in haddii cudurka Corona uu dalka Soomaaliya ku faafo aysan jirin awood buuxda oo looga hortagi karo balse ay habboon tahay in marka hore bulshadu ay la timaado Alla bari iyo ducooyin joogta ah si Ilaahay uga badbaadiyo dhibaatada aduunyadu u caalwayday.
Wasiirka ayaa xusay inuu aad uga walaacsanahay tirada iyo tuhunka sii badanaya ee cudurkaan saf-marka ah ee dhibaatada badan ku haya bulshada caalamka ,isagoo intaa raaciyay in dadka Soomaaliyeed aysan ku baraarugsaneyn halista cudurka,balese dadku badankood ay yareysanayaan qatarta la filan karo ee xauunkaan la xiriirta.
Wasiir Goodax ayaa sheegay inaysan jirin Maanta maalin looga baahi badan yahay in midowno la muujiyo, la is-maqalno, la is-kaalmaysto, isla markaana meel looga soo wada jeesto sidii looga hortagi lahaa cudurkan, si uusan saameyn ballaaran ugu yeelan dadka Soomaaliyeed, maadaama tabar, dhaqaatiir, qalab iyo goobo caafimaad oo aad u haboon uusan hada wadanku lahay.
Wasaarada Caafimaadka iyo arimaha bulshada ee dowlada fedraalka Soomaaliya ayaa shacabka si joogta ah ugu soo gudbisa fariimo caafimaad oo ku saabsan ka hortaga cudurkaan waxayna markasta u sheegtaa inay taxadar dheeraad ah muujiyaan.
Qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa bilaabay olole Wacyigalin ah oo ay cod-baahiyeyaal bulshada kula hadlayaan ayadoo ka dalbadana inay ku dadaalaan badbaadada Nafdooda iyo nafta kuwa ay jecelyihiin.
Axmed Adan Xaashi waa Wiil dhalinyaro ah wuxuu cod-baahiye la Maraa Maalinkasta Magaalada Muqdisho isagoo lugtiisa maalaya masaafo aad u kala fog si uu u wacyigaliyo bulshada Soomaalida oo inta badan dhaqankooda lagu Tilmaamo inay dhayalsadaan dhibaato weyn oo naftooda Halis galin karta isagoo ka digaya Corona Kumanaanka dilayaya mudada aadka u kooban.

Dhanka kale Qaar ka mid ah shacabka ayaa sida ay tahay u qaatay fariimaha Caafimaad ee wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Bulshada la wadaagto waxayna dadka kale u soo jeedinayaan inay taxadar Muujiyaan oo nafdooda badbaadiyaan intii karaankooda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here