DHAGEYSO:Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo wax laga waydiiyay Imtixaankii Natiijadiisa lagu Murmay

Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, ARrimaha Bina’adamnimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa kulan xog wareysi ah la yeeshay Sii hayaha Xilka wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.
Kulankan ayaa ka dhacay xarunta golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya guddiga iyo wasiirka ayaana qaatay kulan saacado socday markuu soo gaba gaboobay waxaa warbaahinta la hadalay Sii hayaha Xilka wasiirka Wasaarada Waxbarashada XFS C/laahi Goodax Baare.
Waxaa uu sheegay in guddiga uu warbixn guud ka siiyay waxqabadka wasaaradda waxbarashada , Natiijada imtixaanka dugsiyada sare dalka iyo arimaha jaamacadaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Bina’adamnimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka BFS Axmed Macalin Cumar Nadiir ayaa sheegay in siihayaha wasiirka waxbarashada uu warbixin guud ka siiyay waxbarashada dalka iyo halka ay marayso.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa si aad ah loo hadal hayay natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dalka iyo kaalimaha ardayda galeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here