DHAGEYSO:Wasiirkii hore ee Arimaha dibada Soomaaliya oo gudoomiye looga dhigay gudiga Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug.

Wareegto xalay ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa lagu magacaabay gudiga qaban qaabada Xaflada Calaamasaarka Madaxda maamulka Galmudug.
Xubnaha gudigaan oo ka kooban 12 Qof ayaa waxaa gudoomiye u ah wasiirkii hore ee Wasaarada arimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Yusuf Garaab Cumar waxaana loo igmaday inay soo agaasimaan dhamaan waxyaabaha la xiriira xaflada Caleema saarka ee Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabid Kaariye Qoor-Qoor iyo Ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

Dhanka kale Wasiirkii hore ee arrimahada Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar xalayna guddoomiye looga dhigey Guddiga qaban qaabada Xaflada Caleema saarka Madaxda ugu saraysa maamulka Galmudug ayaa ka hadlay mowqifkiisa Shaqada loo igmadey iyo dad badan oo dhaliilo ka muujiyey Shaqadaas loo dhiibey.
Yuusuf Garaad waxaa uu sheegay inuu aqbalay Shaqada uu u Wakiisha Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor,,isla markaana isagoo eegaya baahida loo qabo in Siyaasada Xasisho si Shacabka iyo Siyaasiyintooda ay u midoobaan uu tixgeliyey soo jeedinta Madaxweynaha Galmudug ee ah gudoomiyaha gudiga Qaban-qaabada Xaflada Caleemasaarka.
Waxaa uu sheegay inuu u mahad celinayo Madaxweynaha Cusub ee maamulka Galmudug ee Shaqadaasi u igmadey,isla markaana uu rajeynayo inuu si wanaagsan uga soo bixi doono waajibaadka loo xil saarey.
Sidoo kale Yuusuf Garaad Cumar Wasiirkii hore ee Arimaha dibada Soomaaliya waxaa uu sheegay in dad badan ay lasoo xiriireen oo ay tallooyin u soo jeediyeen uuna qaatay balse uu u sheegayo in isaga uusan Galmudug ka qaban wax xila ah.
kadib markii Yuusuf Garaad looga dhigey guddoomiye Xubnaha Guddiga qaban qaabada Caleema saarka Madaxda Galmudug oo ka kooban 12 Xubnood ayaa waxaa jiray dad siyaabo kala duwan u fasirayay balse uu sheegay inuu diyaar u yahay ka Shaqeynta howlsha loo dhiibay oo Caleemasaarka la xiriira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here