DHAGEYSO:Waxgarad ka soo horjeestay liiska magacyada xildhibaanada Alhusunna

Mid ka mid ah nabadoonnada maamul goboleedka soomaaliyeed ee Galmudug ayaa ka soo horjeestay bayaan ka soo baxay xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo lagu shaaciyey liiska magacyada xildhibaanada 20- ka ah ee Ahlusunna ku matalaya baarlamaanka labaad ee maamulkaas.
Nabadoon Maxamed Aadan Rooble oo khadka taleefoonka ugu warramay wariyaha Star FM ee gobolka Galgaduud Cubeyd Xasan Maxamuud ayaa sheegay in Ahlusunna ay ka aarsaneeyso beelaha qaar sida uu hadalka u dhigay sidaas awgeedna aynan aqlabi doonin sida ay u maamustay tirada xildhibaanada la siiyay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here