DHAGEYSO:Weerar lagu soo qaaday garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb

Sida ay ku warrameen maamulka garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee Ugaas nuur, alshabaab oo xalay weerar madaafiic ah ku qaaday garoonka ayaa laga hortagay.
ilaa tiro dhawr xabbadaha qoriga hoobiyaha ayey dagaalyahano ka tirsan al-shabaab ku tuureen garoonka, waxaana la sheegay in aysan gaarin gudaha garoonka iyadoo madaafiic kale ay ku jawaabeen ciidamada Jabuuti ee garoonka jooga
Cabdullaahi xasan nuur, maareeyaha garoonka ugaas nuur ee Dhuusamareeb ayaa inoo sheegay in weerarkii alshabaab ee xalay aysan ka dhalan wax qasaaro ah ciidamada ilaalada ka ah garoonkana ay u diyaarsan yihiin dicaafa garoonka iyo hawlihiisa.

Dhanka kale Xilli dhawaan maamulka garoonka diyaaradaha guriceel ay sheegeen in lacag 10 dollar ah laga qaadayo dadka garoonka u taga soo dhaweeynta kuwa soo degaya ama sagootinta dadka dhoofaya ayaa maamulka garoonka diyaaradaha ee ugaas nuur waxaa ay dhankooda beeniyeen in wax lacag ah lagu soo rogay dadka aan safarka ahayn ee garoonka taga
Cabdulaahi xasan nuur oo ah maareeyaha garoonka ugaas nuur ayaa arrinkan uga warramay wariyaha idaacadda Star FM ee gobolka Galgaduud Cubeyd Xasan Maxamuud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here